Sunday 18 August 2013

Tix yar !

Labo isu kay qaban wayday!

Waa labo nin oo odayaal ah, waxaa la soo fadhiisiyay mid ka mida TV-yada Soomaalida, Daadihiyihii dooddooda dhex dhexaadinayay labadii nin midkood wuxuu ku sheegay innuu haysto shahaado heer injineernimo (Engineer), halka kan kalana uu ku sheegay innuu haysto shahaadada loo yaqaan PhD (Doctor of Philosophy/Doctoral degree). Wuxu kaloo wariyihu nagu war-geliyay labadooduba innay shahaadooyinka ka soo qaateen jaamacado ku yaala Yurub iyo Maraykan. Jacayl aan u qabay aqoon-kororsi owgii sow shaah ummaan soo qaadan. Hadday dooddii bilaabatay oo aan dooddoodii dhagaystay, tittle-ladii waaweenaa ee ay wateen iyo waxaa isku kay qaban wayday hadalladoodii. Si kale kuma garatide, labadii "aqoon-yahan" Waxaan uun idiinku suurayn karaa innay igu noqdeen labo nin oo xagga ashahaadada marka laga eego cul culus, mug iyo miisaanba leh, laakiin marka laga eego xagga haybadda iyo qiimaha cilmigu uu qofka u yeelo aan dadka caadiga ah iyo mooryaanta qabiilka ka ganacsata aan waxba dhaamin. Mar waxaan is idhi, malaha raggu aqoonta lagu sheegayaba ma lahee dadkaa TV-ga lagu soo fadhiisinayay. Mar kale waxaan is idhi, malaha wariyihu lama ogayne darajo beena bay u sheegteen. Mar kale waxaan is idhi, malaha shahaadooyinku waa rune cilmigoodaan caloosha dhaafsiisnayn. Yaan hadal idinku daaline, filan-waa owgii, waxan uun is arkay anigoon is ogayn oo haddan si hoose ula sheekaysanaya naftayda, kuna cel celinaya ereyadan hoose

Illen aqoon-yahanimadu maaha
Ammaaniyo magac la sheegto
Ashahaado la qaato maaha
Uma baahna anaa saasa
Iyo iibsiga suudhkiyo tayga
Cilmigu isagaa hadlooda
Qofkuu uurka u buuxo
Kolkuu odhaah yidhaahdo
Dhagtii maqashaa ogaata
Inuu dhaansaday aqoon.


By: Mubarak Hadi

No comments: