Sunday 18 August 2013

Saddax!

Saddex waa gar, saddexna waa gardarro, saddexna waa galabsigood.

1. Nin ehelkaaya innaad wax u doonatid waa gar, haddaadse ogtahay inuu bakhayl yahay oo aad wax u doonatid waa gardarro, inuu kuu diidana waa galabsigaa

2. Reer innuu guuraa waa gar, sahan la'aan innuu guuraase waa gardarro, guri abaara ama guri colaadeed innay degaana waa galabsidood

3. Gabadh in gayaankeed usoo geed fadhiisto waa gar, in loo diido waa gardarro, innay guumowdo ama garacatana waa galabsigood.

No comments: