Thursday 21 November 2013

Habalaha Geeska Africa

    HEESTA CAANBAXDEY ee "Hablaha Geeska Afrika", dad badanina laga yaabo inay si fiican ugu xusuustaan inuu ku luuqeyn jirey Khaliif Cismaan Cabdi 'Sayid Khaliifa,' heesaagii Kooxdii Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, - waa hees aanan weli la kulmin suugaan si la mid ah ugu xeel dheeraatey ammaanta dumarka Soomaaliyeed. Waa heesta kaliya ee aad ka heleyso inay taabanayso dhinac kasta nolosheenna kaalinta ay dumarku kaga jiraan nolosha bulshada, tan qoyska iyo qarankaba.

    Suugaanta Hadraawi oo lagu yaqaan inay qani ku tahay miisaan culus oo murti suugaaneed, in kasta oo dadka qaar ku dhaliilaan in maansooyinkiisu dhaadheer yihiin erayo af Soomaali ahaan culus oon la fahmayna laga helayo, hadana anigu ma arkin hees murti ahaan ka fasaaxo sarreysa, fahamkeeduna ka sahlan yahay, welibana xagga cabbirka iyo asteynta ujeedada ay ka hadlaysona uu si qoto dheer ugu dheeraadey.

    Tusaale ahaan waxa uu damcey inuu muujiyo kaalinta gabdhaha Soomaaliyeed iyo sida aan looga maarmin xilli-farxadeedka saman barwaaqo ah amaba nolosha kale ee rag & dumar ka dhaxaysa xilliga madadaalada iyo haasawaha guud ee caweysinka habeenkii. Sida aad ka arki doonto erayadiisa tuducan soo socda waxaa uu sawirayaa in fagaaro caweys ah oo dhallinyaro ku kulanto aanu waxba dhaamin meel cidla' ah amaba xabaalo ciirsi la’ ah haddii aanay gabdho joogin oo aanay goobtaa bileyn. Waxaana uu yiri:


    Gu´ hagaagay oo da´ay
    Dhulka geedo jiifaan
    Gurya-samo barwaaqa ah
    Haddii geeddi lagu furo
    Dhallinyaro is gurataa
    Gurdan raaca fiidkii
    Gole weyn ku kulantoo
    Cagta garan-garteediyo
    Isu geysa jiibkoo
    Googooska luuqdiyo
    Gedda sacabka loo jaro
    Hablahaa u gaaroo
    Garashada codkoodaa
    Qof gaboobey kicisoo
    Gelbiskiyo mashxaraddaa
    Gama´kaa ilaashee
    Haddaan gabari boodeyn
    Illayn gegi ciyaareed
    Wax ma dhaanto geeriyaad?

    Billowga heesta waxa uu daah fur ka dhiganayaa erayo uu kaga jawaabayo hadal suuqeed horraantii 70aadka soo baxay oo xan ahaan looga faafiyey beri musaafuris ahaan lagu geeyey degmada Qansax Dheere. Waxaana sida aan ku maqlay haddalladii laga sheegey ka mid ahaa in uu murtiguurey oo gabaygii iska daayey sidaasna isaga aamusey.

    Abwaan waa kii af-maal ahe waxa uu goostey inuu suugaantiisa isku difaaco oo iska caabiyo huuhaadii suuqa la mariyey, waxaana uu ararta heesta ka dhigtey tuduc uu abwaanimadiisa ku difaacayo isaga oo hoosta ka xariiqaya inay suugaantiisu nusqaanto ama dib u gurato ha joogtee inay haatanba hanaqaadkii iyo heerkeedii ugu wacnaa ku jirto. Waxaana uu qaybtan oo heesta billowgeeda ah ku yiri:

    Ma geyoon ma gamashiyin
    Ma gommodin ma gaagixin
    Ma gabloobin maan gurin
    Mana gabin halkaygii
    Gabaygiina maan deyn
    Geeraarradaydii
    Imminkaan gardaadshoo
    Weli maan gunaanadin.
    Murti nimaam gunteediyo
    Baran gogol-dhiggeedoo
    Gonda degi aqoonoo
    Garab-daar lahayn baa
    Gawl-gawla hadalkoo
    Kolba dhinac garoocdee
    Sida Webi Ganaanoo
    Cirka godollo maaloo
    Biyihii ku gaaxdiyo
    Gebiyadii ku soo degey
    Ku darsaday gufaaciyo
    Guullaama diriroo
    Geli jabay habeenkii
    Kolba gacan ma soo rogay
    Quraciyo galoolkii
    Gunta xididka maw jaray
    Dhulka wada galaal iyo
    Gabbalaha ma kaga tegey
    Afartaa geddaydii
    Dhaha laygu garan jirey

    Dhaqanka Soomaalida waxaa meel sare kaga jira in ragga lagu ammaano halyey-nimadooda iyo dagaalyahannimada. Hase yeeshee geesi kasta ee wacdaro goobaha dagaal ka dhiga waxaa uu Hadraawi galladeeda siinayaa gabdhaha Soomaaliyeed oo ay u muuqato inuu leeyahay, ma ninbaa geesi kastuu yahay dhiggii iska caabin kara haddii aanay gabari guubaabo la daba socon oo aanay intaa ka hareer dagaalamayn. Ma nin baa halyeynimo diriri kara haddii aaney dhegihiisu maqlayn cod dumar oo guubaabin, geesinnimo gelin iyo kicin la hareer joogin. Waxa uu yiri:

    Gurmashada dagaalkiyo
    Gulufkiyo colaadaha
    Goobaha naf waagiyo
    Halka laysku gawraco
    Marka gorodda lays daro
    Haddaan dumarku goonyaha
    Guubaabo kicinayn
    Sida galowga dhiilloon
    Illayn geesi qayrkii
    Birta kuma gumaadeen!

    Haddana waxa uu u soo jeestey guriga lagu nool yahay, ee gabari joogto sida uu sacaado u leeyahay ee ay gabadhu nolol u geliso. Sida aanu gurigaasi habaas iyo xaab-ba u lahayn, sida uusan kud-kude iyo kutaan oo dhan u lahayn. Sida cayayaanka looga diley, sida uu u dugsoon yahay una udgoon badan yahay.

    Haddaan guudka laga jirin
    Gudihiisa xaabkiyo
    Cayayaanka laga gurin
    Marwo dumar garka u xidhan
    Illayn guri dugsoon ma leh?

    Dhinac kale oo isla aqalka ah ayuu markanna eegayaa waa marka gudaha aqalka loo galo iyo firaashka oo la isku weheshado, isaga oo muujinaya cidlada sariirtu leedahay haddii qofka aan lamaanihiisu ku wehlin. Waxaana uu suureynayaa haddii aaney gabari ninka ku wehlin gogosha sida aanu jiifka u qabanayn hurdona ugu istareexeyn oo uu intaa habeenkii oo dhan gebi-dhaclaynayo wehel la’aan ku dhamaysanayo. Wuxuu yiri:

    Gaadaha habeenkii
    Kelidaa galgalashiyo

    Ged-geddoonka dhalisoo
    Adigiyo go´aagaa
    Hadba dhinac u guuroo
    Barkintaad gabbood iyo
    Gaashaan ka dhigataa
    Haddaan guud haldhaaley
    Kolba gacan la saareyn
    Illayn gogoshu wehel ma leh?

    Abwaanku Nolosha guriga iyo gogosha kuma joogsane waxa uu sidoo kale daraasaynayaa kaalinta dumarku ku leeyihiin in ninku uu nolosha guud ahaan guul ka gaaro. Waxa uu qiimaynayaa saamaynta ay haweeneydu ku leedahay halganka ninkeeda iyo dhismaha qoyska oo haddii nasiibkiiisu siiyey ‘marwo garasho dheer’ uu baraaraha nolosha ku gaari karo. Waxa uu u qirayaa in haweeneyda wanaagsani ay tiir dhexaad reerka u tahay. Waxa uu qirayaa in haweeneyda ay ninka u tahay gaariga horumarka noloshiisa oo nimaan gaari qabin aanu nolosha ka guul keeni karin.

    Kuma galo adduunyada
    Ninna goonni-socodkoo
    Marwo garasho dheer baa
    Ninka raga u gudinoo
    Iyadaa guddoonkiyo
    Gadh-hayaa naftaadiyo
    Gaadiidka reerkiyo
    Gurgurshaaga noqotoo
    Arrin kula gorfaysee
    Haddaan gaari kula jirin
    Illayn noloshu guul ma leh?

    Dhinac kale oo heesta ah ayuu abwaan Hadraawi kaga hadlayaa kartida sarreysa ee gabadha Soomaaliyeed iyo sida qawmiyad kastaa ay ugu tiirsan tahay haweenka horumarna ku gaaraan kaalinta haweenkooda. Waxaa uu tibaaxayaa ku dheganaaanshaha dumarka Soomaaliyeed ee hiddahooda iyo sida haweeneydu ugu samirto dhaqankeeda wanaagsan ee aysan uga guurin illaa ay ka geeriyooto.Waxaa uu muujinayaa haybadooda qofnimo, hannaanka labiskooda iyo hallaasiga socodkooda. Degannida, hubqaadkooda, tallaabada iyo laafyaha xarragadooda, xishoodkiyo gebi ahaan garashadooda.

    Gocashada xanuunka leh
    Waxaan uga gol leeyahay
    Go'i waa barbaareey
    Gobi waxay ku dhaqantaa
    Garab waxay ka dhigataa
    Gallad waxay ku dheeftaa
    Samo waxay ku gaadhaa
    Golollada haweenkee
    Hiddaheena gaarka ah
    Hablihii gabowgiyo
    Geerida ku sugi jiray
    Hablihii garayskiyo
    Xidhan jirey guntiinada
    Hablihii gu' iyo dayr
    Sida baarqab golongolay
    Dhexda xadhig ku goyn jirey
    Hablihii garaaraha
    Gaatan-socodka laafyaha
    Sida gorayga ciideed
    Gelbin jirey tallaabada
    Hablihii gun iyo baar
    Isha gacalo-eegtaa
    Gama' aanay ledi jirin
    Hablii talada guunkiyo
    Gunti jirey xishoodkee
    Hadalkoodu gaabnaa
    Hablihii gef hooyiyo
    Qarsan jirey guhaadee
    Hadday godollo soomaan
    Ama gaajo liitaan
    Cidi aanay garan jirin
    Hablihii gammaan faras
    Iyo geela ugubka ah
    Guur doon ka bixin jirey
    Hablihii Gargaariyo
    Guuleed ku curan jirey
    Goldaloolo iyo ceeb
    Hablihii ka guban jirey
    Hablahaan gankoodiyo
    Hilbahooda gadi jirin
    Haddii aad gujeysaan
    Guul guul ku laysaan
    Godol qudha ku mooddaan
    Gabbalkooda dumisaan
    Hadba tooda goosha ah
    Ganacdeeda jabisaan
    Dadku gabanna xooriyo
    Garracyaley yidhaahdaan
    Inagoo gumowniyo
    Dhaqan guurey weeyee

    Qodob kalena waa farriin iyo digniin uu siinayo ragga, isagoo hoga tusaalaynaya inaaney dhaqan xumayn iyo sharaf dil ku samayn dumarkeenna. Waxaana uu ku boorrinyaa inay raggu ka sariigtaan uga dan bogashada gabdhaheenna ee si aan sharciga iyo dhaqanka wanaagsanba waafaqsanayn. Waxaana uu ka digayaa indhaqan xuma kasta ee ninku kula kaco gabdhaha ay tahay xisaab u qoran oo meel u taalla oo uu galab kale ka sheekeyn, ayn ka go’an tahay godob uu naftiisa iyo qoyskiisa ka galay oo ka go’an gabdhihiisa iyo xaasaskiisaba.

    Gocashada xanuunka leh
    Waxaan uga gol leeyahay
    Godob aabbe falay baa
    Ubadkiisa gocondhiyo
    Gumar shidan ku noqotoo
    Gebi dheer ku dumisee
    Ninka inan ma geyda ah
    Golqaniin ku maalee
    Gurrac kaga danaystow
    Waxaad gaaxsanaysiyo
    Gashigaad cunaysiyo
    Xumahaad geleysaa
    Ruuxay ka go’an tahay
    Gabadhaada weeyee
    Gefka aad falaysiyo
    Waxaad geysanaysaad
    Galab kale ka sheekeyn.

    Tuduca ugu dambeeya heesta waxa ay gunaanadaysaa kartidii gabdhaha Soomaaliyeed oo si guud mar ah uu tilmaan uga bixinayo halyeynimada geesinnimadooda, kartidooda, garashadooda quruxdooda iyo kaalinta ay bulshada kaga jiraan, wuxuuna u muuqdaa mid leh dumarkeennu waxa ay horyaal u yihiin dumarkasta mana jirto geyi kale oo laga helaya dumar gaara gabdhaheenna.

    Gebagebada sheekada
    Bal aan soo gunaanado
    Guddoonsiiyo jiiftada
    Gabigeed adduunyada
    Gobol-gobol u qaadoo
    Hablo weerar geli kara
    Hablo geela dhicin kara
    Hablo geesi dili kara
    Gobonimana hanan kara
    Hablo talada goyn kara
    Garta madal ka niqi kara
    Garashana iskaga mida
    Quruxdana ka wada gob ah

    Geesteena mooyee
    Gayi kale ma joogaan.


No comments: